Xaliimo Yareey oo shaacisay in Doorashada dalka aysan waqtigeeda ku dhici karin

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yareey ayaa Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ka horjeedisay warbixin ay uga hadashay Arrimaha Doorashooyinka dalka ee 2020/2021.

Guddoomiye Xaliimo Yareey ayaa marka hore Xildhibaanada kahor sheegtay in hirgalinta doorasho Qof iyo Cod aysan ku dhici karin xilligii loogu talagalay, loona baahan yahay  in Doorashada waqti dheeraad ah lagu daro.

Waxaa ay sheegtay Guddoomiye Xaliimo Yareey in howlaha Guddiga Doorashada ay hareeyeen caqabasho farabadan oo ay kamid yihiin Arrimo la xiriira Dawlad Gobaleedyada dalka ka jira , Dhaqaalaha iyo xaaladdaha Amniga ee Soomaaliya.

Sidoo kale Xaliimo Yareeya ayaa tilmaamtay in Guddiga uu baahan yahay 13 bilood oo ka bilaabaneysa bishaan Julaayo 2020 kuna egtahay Bisha Agoosto 2021, si dalka ay uga dhacdo Doorasho Qof iyo Cod.

“Doorashada Soomaaliya ma qabsoomayso waqtigii loogu talogalay, Sidaas darteed, waxaan u baahnahay 13 bilood gudahood oo ka bilaabanaysa July 2020-ka kuna dhamaanaysa August 2021-ka” ayay tiri Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Ugu dambeyn Xaliimo Yarerey ayaa Carabka ku dhifatay in Maanta la joogo xiligii layska kaashan lahaa in qof kasta Codkiisa dhiibto oo ay diyaar u noqdaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media