Xarunta Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Maamulka Degmadaas iyo Saraakiil ka tirsan laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Maxamed Cabdullaahi Tuulax, waxaana inta uu socday looga hadlay amniga degmada Kaaraan.
Guddoomiye Tuulax ayaa Maamulka Kaaraan iyo laamaha amniga wax ka weeydiyay falalka amnig darro ee xiliyada qaarkood halkaas ay fuliyaan kooxo burcad ah oo hubeysan oo dhac iyo dil u geysta dadka shacabka ah.
Waxaa uu sheegay Guddoomiye Tuulax inta uu socday kulanka in aan marnaba la aqbali doonin wadashaqeyn la’aan ka dhex jirta Maamulka Degmada Kaaran iyo Laamaha amniga degmadaas, wuxuuna xusay in sidoo kale aan marnaba la aqabali doonin dhibaatooyin ay ragga hubeysan u geystaan dadka shacabka ah.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Degamada Kaaran Abshir Kaaran oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in xal laga gaaray banaanbax cabasho oo halkaas ay ka dhigeen dad shacab ah, kuwaasi oo ka cabanayay guryo laga burburiyay, wuxuuna xusay in cid oo cabasho qabtay la xaliyay.
Si kastaba dhawaan maalin kahor ayay aheyd markii dad shacab ah oo careysan ay banaabax ka dhigeen Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo Maamulka Degmada ku eedeeyay inuu guryadooda uga burburiyay si sharci darro.