Xagee uu Maraa Wada hadalka Ahlu sunna Iyo Galmudug?

Inkastoo uu dhamaaday Waqtigii loogu talagalay wada hadalada maamulka Galmudug iyo Ahlu sunna, ayaa hadane wali la’is mari la’yahay, iyadoo labada dhinac uu midkastaa soo bandhigay qorshe adag oo qeyb ka ah wada hadalka, taasi oo sii dheereysay is faham waaga u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu sunna.

Dowladda dhexe ayaa garwadeen ka ah wada hadalada, waxaana dhawaan ay magacaawday guddi dhaxdhaaxdiya labada dhinac, oo ay ku jiraan wasiirada arrimaha dibada iyo gudaha, kuwaasi oo mudooyinkan ku jiray dadaalada lagu doonayo in lagu xaliyo tabashada Ahlu sunna ay qabto, si loo aado doorashada madaxweynaha Galmudug oo dhaceysa 30-ka bishaan April, sida hore loo shaaciyey.

Warar hoose ay Dalsan heshay ayaa ku waramaya in maamulka gobolada dhexe ee Ahlu sunna ay dhankooda wax ka socon la’yihiin, waxaana ay wataan shuruudo adag, oo keeni kara in lagu lagu kala tago madasha.

Mudadii loo asteeyay in wada hadaladan la soo gaba gabeeyo ayaa shalay ku ekeyd 24-4-2017, mana muuqato wali wax natiijo ah oo ka soo baxay wada hadaladan.

Madaxda maamulka Galmudug ayaa ku eedeyneysa Ahlu sunna inay diidan tahay in heshiis dhab ah laga gaaro wada hadaladan, si loo dhiso maamul loo dhanyahay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media