Guddoomiye kuxigeenada Gobolka Banaadir Oo Maanta Xilalkooda La wareegaya

Waxaa maanta lagu wadaa in si rasmi ah xilalkooda ay ula wareegaan gudoomiye ku xigeenada cusub ee gobolka Banaadir ee shalay la magacaabay, kuwaasi oo badalaya kuwii hore.

Qabanqaabada xaflada xil wareejinta ayaa ka socoto xarunta gobolka Banaadir, iyadoo lagu wado in saacadaha soo socdo ay ka bilaabato dhisamaha xaruta gobolka.

Madax ka tirsan dowladda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galaya munaasabda xil wareejinta ee maanta ka dhaceyso Muqdisho.

Dhamaan waxaa shalay labadalay ku xigeenadii gobolka Banaadir iyo xoghayihii gobolka, iyadoo loo magacaabay masuulyiin cusub oo maanta xilalkooda la wareegaya .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media