Liiska wax ka baddelka Guddiyada Doorashooyinka ee uu Magacaabay RW Rooble ayaa la sheegay in howlahoodu ilaa hadda ay u xayiran yihiin liiska xubnaha Galmudug, kuwaasi oo ilaa hadda aysan soo gudbin maamulkaasi, waxaana laga sugayay muddo todobaad ah.
Afhayeenka Xukuumadda Xilgaarsiinta Mohamed Ibrahim Moalimuu oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in inta badan Dolwad Goboleedyada dalka ay u soo gidbiyeen Ra’iisul Wasaaraha liiska wax ka baddelka Guddiyada Doorashooyinka ee dib loo eegay. Waxaa weli laga war dhowrayaa Dowlad Goboleedka Galmudug oo ah Dowlad Goboleedka kaliya ee aan weli soo gudbin xubnihii laga sugayay.
Waxaa uu inta kud aray in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga heer Wasiir ee uu magacaabay ka codsanayaan Madaxweyne Ahmed Cabdi Kaariye inuu si dhaqso ah u soo gudbiyo liiska xubnaha Galmudug ee laga sugayo muddada todobaadka ah.
“Dowlad-goboleedyada inta badan wey u soo gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha liiska wax ka baddelka Guddiyada Doorashooyinka ee dib loo eegay. Waxaa weli laga war dhowrayaa Dowlad Goboleedka Galmudug oo ah Dowlad Goboleedka kaliya ee aan weli soo dirin.
Maadaama waqtigu uu soconayo, shacabka Soomaaliyeedna ay doonayaan in la dardargaliyo howlaha hirgalinta doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga heer Wasiir ee uu magacaabay waxa ay ka codsanayaan Madaxweyne Ahmed Cabdi Kaariye inuu si dhaqso ah u soo gudbiyo liiska xubnaha Galmudug ee laga sugayo muddada todobaadka ah” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumaddu Mohamed Ibrahim Moalimuu