Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa war kasoo saaray heshiiskii Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ay la gashay shirkadda Coastline Exploration Ltd.
War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Hantidhowrka ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskaasi uu yahay sharci darro, sidoo kale Xafiiska ayaa Wasaaradda iyo hay’adaha ay khusayso ogaysiiyay in uu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan, isaga oo gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud.
Sidoo kale Xafiiska ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kula taliyay in shaqa ka joojin deg-deg ah lagu sameeyo dhammaan shaqsiyaadkii qabyta ka ahaa saxiixa heshiiska.
Hoos ka akhriso War-Saxaafadeedka