Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa bayaan ay soo saareen waxay kaga hadleen dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaaalda Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Maamul Goboleedka Puntland.
Xafiiska ayaa soos aaray war-saxaaafdeed ka kooban ilaa iyo dhawr qodob oo ay kaga hadleen dhibaatooyinkii ka dhacay Boosaaso,intii dagaalku socday, waxaana Xukuumadda Puntland ay ka dalbadeen in ay caddeyso cidda qaadeysa mas’uuliyadda wiixii dhacay,si isla xisaabtan uu u dhaco.
Sidoo kale labada dhinac ee dhawaan Boosaaso ku dagaalamay, ayay ugu baaqeen in Cadaalad ay helaan dadka dhibbane yaasha ku noqday colaaddaasi, ee dhibaatooyinku soo gaareen.
Waxaana intaa ay ku dareen in Xuukuumadda Puntland laga doonayo inay magdhow siiso dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay dagaalka.
Waxay sidoo kale sheegeen in hub aan weli qarxin uu yaallo goobaha lagu dagaallamay.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka