Idaacadda FANA ee ku hadasha Afka Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in Qabuur wadareed lagu aasay 58 qof laga helay Gobalka Soomaalida ee Bariga Ethiopia.
Maydadkaasi ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dadkii lagu dilay Dagaalkii Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada dhex maray bishii August ee sannadkii hore.
Hadal ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Federaalka Ethiopia ayaa lagu shaaciyey baaritaanka ka soo baxay Khasaaraha ka dhashay Dagaalladaasi, waxaana Warbixinta lagu sheegay in Baadariyaal iyo taageerayaashooda lagu dhex gubay Kaniisado ku yaallo dhulka Soomaalida ee Bariga dalkaasi.
Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Ciiddanka Khaaska ee Maamulka Soomaalida Ethiopia iyo koox dhallinyaro lagu magacaabi jirey HEEGO ka dambeeyeen kufsiga iyo dilalka ka dhacay Shaqaaqooyinkaasi.
Hanti lagu qiyaasay In ka badan 14.4 million oo Dollar ayaa la sheegay in lagu burburiyey ama lagu boobay saddexdii maalmood ee ay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda dhex maray sannadkii hore.