Maxaa ka jira in shir ka dhici doono london lagu xaraashayo xirmooyin ka mid ah shidaalka dalka & DFS oo War ka soo saartay

War-Saxaafadeed Caawa kasoo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay shir ay Wasaaradda soo qaban qaabisay kaas oo dhawaan ka dhacaya Magaalada London,hayeeshee dad badan ay dhaliil shirkaasi ka muujiyeen.

U jeedka war-Saxaafadeedka wasaaradda Caawa ay soo saartay ayaa ah mid jawaab u ah warar Baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegayay in shirkaasi lagu xaraashayo xirmooyinka (blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah.

Wasaaradda ayaa beenisay Warkaas,waxaana ay sheegtay in shirkaas uu yahay mid ay ka qeybgeli doonaan mas’uuliyiin ka socda Dowladda Federaalka,dowlad Goboleedyada,Ganacsato Soomaaliyeed iyo xubo kale laguna soo bandhigi  doono kheyraadka shidaalka ee u kujira dalkeena.

“Wasaaradda Badroolka waxa ay beenineysaa oo waxba kama jiraan ku tilmaameysaa in la xaraashayo xirmooyinka(blocks),waxana Ummadda soomaaliyeed u xaqiijineynaa in la bixiyo shati ama rukhsad shidaal qodis ay qaadaneyso wadahadal dheer oo soconayo waqti dheer ugu yaraan Sanad si daahfrnaan ahna ay ummadda soomaaliyeed ula socon doonto ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Dad ay siyaasiyiin ka mid yihiin ayaa maalmahaan faafiyay run iyo been midkood ha ahaadaane in shirka 7-da Bisha soo socota ee Febaraayo ka dhacaya London u yahay mid lagu xaraashayo xirmooyinka (blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Batroolka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor