Xaaska wariye lagu dilay Kenya oo dalbatay in kiiskiisa ay la wareegto Qaramada Midoobay

Xaaska wariye caan ah oo u dhalatay dalka Pakistan, ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay in la sameeyo baaritaan madax banaan, oo ku saabsan toogashada ninkeeda looggu geystay dalka Kenya.

Javeria Siddique ayaa sheegtay in booliiska Kenya iyo Pakistan ay ka xumaadeen baaritaanada lagu hayo toogashada Arshad Sharif.

Wariyaha ayaa bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay waxaa toogasho ku dilay ciidamo ka tirsan booliiska oo isbaaro u taalay duleedka magaalada caasimadda ah ee magaalada Nairobi.

Javeria Siddique, ayaa codsatay in loo magacaabo ergeyga gaarka ah ee madax ka ah baaritaanka madax banaan ee lagu dilay ninkeeda Arshad Sharif sanadkii hore.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor