Axmed Madoobe oo tegay degaanno dhawaan laga saaray AL-Shabaab

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanadii u danbeeyay ee laga saaray dagaalamaayasha AL-Shabaab ee Gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan deegaanada kala ah Aw-qumbaale, Ceelcad, Canjeel, Harboole  iyo Janaa-Cabdalle.

Madaxweynaha oo la hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen nabad iyo xornimo, loona baahan yahay in deegaanada kale ee wali Alshabaab ay joogaan in la gaarsiiyo hormarka dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ay sii socon doonan, isla markana la dardar galin doono maalmaha soo socda, si dowladnimada loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor