Xaalada Gobolka Salal oo kacsan kadib markii Xabsiga la dhigay Xildhibanaanada Golaha Deegaanka

Ciidamada Booliiska Magaalada Seylac ee Gobolka Salel deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa xabsiga u taxaabay xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka Magaalada seylac.

Ilaa 7 Mudane oo ka tirsan Golaha deegaanka Seylac ayay Xasiga dhigeen ciidamada Booliiska kadib markii lagu eedeeyay in ay wadeen abaabulka dibadbax ay uga soo horjeedaan gudoomiyaha Cusub ee Magaalada Seylac oo dhawaan la doortay.

Arintan ayaa sidoo kale timid kadib markii gudoomiyaha Cusub ee degmada Seylc uu Xildhibaanada u diiday in ay tagaan Xafiisyadooda islamarkaana y ka howlgalaan iyagoo taaagersanaa gudoomiyihii hore ee xilka laga qaaday.

Wararkii ugu dambeeyay ee hada na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada ay iminka tahay mid degan islamarkana khilaafka u dhaxeeyay Golaha deegaanka Magaalada seylac iyo gudoomiyaha Cusub uu cirka isku shareeray.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media