Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay si rasmi ah xilka Maamulka Galmudug ugu wareejiyay Madaxweynaha Cusub ee maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kadib Munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.
Munaasabadda ayaa ka dhacday Xarunta Shiirkoole, waxaana ka qeyb galay Madaxweynihii Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwa Galmudug, Madaxda Cusub ee maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Sidoo kale Munaasabadda xilka wareejinta ayaa intii ay socotay waxaa laga jeediyay Khudbado looga hadlay Arrimo kala duwan oo ku aadan siyaasada Galmudug iyo isku tanaasulka la sameeyay.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si rasmiga ah xilka Maamulka Galmudug ugu wareejiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo kusoo baxay Doorasho ka dhacday bilowga sanadkaan Magaalada Dhuusamareeb.
Xaaf ayaa dhawaan shaaciyay inuu u tanaasulay danta iyo dhismaha Galmudug, isla markaana uu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta Galmudug, uuna la shaqeyn doono maamulka Cusub.