Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Kenya, William Rutto ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu booqasho hawleed ku tegay magaalladda Garissa, wuxuuna xusay inaysan Dowladda Kenya gadaal fariisan doonin iyadoo ay Dembiilayaal argagax ku hayaan Kenya.
“ Waxaan idiin hubaal gelinayaa inaysan Dowladda marnaba oggolaan doonin inay hal Inch (Hal hiish) oo ka mid ah dhulka Kenya ay maamulaan Argagixiso, Dembiilayaal ama dad doonaya inay deganaansho la’aan ku abuuraan qeybtan ka mid ah dalkeenna†ayuu yiri William Rutto oo la hadlay Kumanaan qof oo isugu soo baxay Garissa.
William Rutto waxa kale oo uu ka hadlay Dib-u-furista Jaamacadda Garissa, oo la xiray bishii April ee sannadkan, kadib, markii ay Alshabaab weerareen, wuxuuna tilmaamay in la furi doono 2 Toddobaad kadib.
William Rutto oo booqasho ku tegay Garissa ayaa sheegay inay Dowladda maalgelinayso Dhismaha Mashaariicda ka socda Jamaacadda Garissa, wuxuuna xusay in la dhisayo Bar Kontorool oo loogu talagalay inay Boliska kala socdaan Ammaanka Jaamacadda.
William Rutto oo ay wehliyeen in ka badan 50 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Kenya ayaa waxa uu u labisnaa sida Odaayasha Soomaalida oo kale, wuxuuna xirnaa Shaati, Macawis, Go’ Shaal ah, Koofiyad iyo Baakoorad, wuxuuna u muuqday inuu ku farxasanaa Labiskaasi.
© Radio Dalsan