Ciiddamo Ethiopian oo dheeraad ah oo soo gaaray Galgaduud

Boqolaal ciiddamo Ethiopian ayaa waxay xalay ilaa saakayto ka soo gudbeen Xadka Is-maamulka Soomaalida Ethiopian la wadaagaan Gobalka Galgaduud.

Ciiddankaasi oo wata  noocyadda Hubka culus oo ay ku jiraan Taangiyadda iyo Qoryaha Madaafiicda Goobta waxay fariisimo ka dhigteen duleedka Degmadda Guri-ceel.

Sida ay dadka Deegaanka u xaqiijiyeen Radio Dalsan waxay Ciiddankaasi deggeen Xeradda ay Ciiddanka AMISOM ku lahaayeen duleedka Guri-ceel.

Ciiddankaasi oo la sheegay inay wataan gaadiid xamuul oo tiro badan ayaan la kala ogeyn inay Deegaano kale u sii geeddi yihiin iyo inay rarkooda ku furteen Guri-ceel.

Warar aan la xaqiijinin ayaa waxay sheegayaan inay u sii gudbi doonaan Bariga Gobalka Galgaduud, si ay u soo beddelaan Ciiddamo Ethiopian oo halkaasi jooga.

Tiradda guud ee Ciiddanka Ethiopianka ee ku sugan gudaha dalkeenna ayaan la ogeyn, maadaama ay Ciiddanku yihiin kuwo hadba marka ay doonaan iska soo gala dalka, marka ay doonaanna ku laabta dalkooda, iyagoo ka sii gudbaya xuduudka Kilinka 5-aad ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor