Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo Caawa Suuqa degmada Xamarweyne ee Gobolkaan Banaadir ku dileen Wiil Dhalinyaro ah.
Dilka ayaa yimid kadib markii rag burcad ah ay taleefonka Gacanta ka dhaceen Haweeney Ganacsatada ka mid aheyd,isla markaana ay qeyliso uuna ka mid ahaa dadkii ku soo baxay
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa ninka kooxda burcada ah ay dhowr xabadood ku rideen,waxaana lagu magacaabi jiray Ayuub Axmed Daahir.
Raggii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday,iyaga oo sidoo kale la sheegay inay horay u sii qaateen taleefoonkii ay ka qaateen haweeneyda Ganacsatada ka mid aheyd.
Dilkan Caawa ka dhacay degmada Xamarweyne ayaa ku soo aadaya xilli Duhurnimadii Maanta Gabar 14-jir aheyd koox burcad ah ku dileen agagaarka Hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid.