WFP oo baaraysa qarax shaqaalaheeda lagula eegtay duleedka Muqdisho

Afhayeenadda Hay’adda WFP u joogta Somalia, Amor Almagro ayaa sheegtay inay bilaabeen baaritanka qaraxaasi oo ay 2 ka tirsan Ilaaladda Ammaanka WFP ku dhaawacmeen.

Iyadoo la hadlaysay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA waxay sheegtay inuu qaraxaasi ahaa miino dhulka lagu aasay, kaasi oo ku qarxay meel 100-mitir ka dambaysay Gaadiidka WFP oo xilligaasi ka soo labanayey  Deegaanka KM 13 ee duleedka Muqdisho, halkaasi oo ay WFP gargaar cunto oo naf-badbaadin ah ku siinayeen dadka ay Abaartu soo sal-kicisay.

””Shaqaalihii WFP ee la socoty Gaadidka, oo ay ka mid ahaayeen Shaqaalaha WFP iyo Weriye soo booqday dhamaantooda wey nabad qabaan, inkastoo 2 ilaalo Khaas oo gelbinaysay gaadiidka WFP uu soo gaaray dhaawacyo Fudud” ayey tiri Amor Almagro.

 

Waxayna intaasi ku dartay inay baarayaan Qaraxaasi, haddii lala maaganaa Gaadiidka WFP iyo in kale.

Dhinaca kale, Alshbaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa miino ee lala eegtay Gaadiidka WFP iyo Ilaaladii gelbinaysay.

Hadal-qoraal oo ay Alshabaab soo dhigeen Warbaahintooda ayaa lagu sheegay inay miino nooca la hago la beegsadeen Koloyadda Gaadiidka WFP iyo Ciiddankii Ilaaladda u ahaa, isla markaana uu mid ka mid ah Gaadiidkooda ku burburay qaraxaasi.

©Radio Dalsan

Comments
Loading...