Kooxo hubeysan ayaa weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ku qaaday Guri uu Magaalada Muqdisho ka degsan yahay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay Ciidanka Booliska Dowladda Soomaaliya.
Weerarka ayaa ka dhacay Guriga Sarkaalka oo ku yaalla Xaafad ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, isla markaana waxaa weerarka ka dhashay Khasaaro dhaawacyo ah.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa u sheegeen in weerar uu dhaawac kasoo saaray saddex ruux oo ka Agdhawaa Guriga la weeraray, kuwaasi oo loo qaaday mid kamid ah Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.
Sidoo kale ragii ka dambeeyay weerarka lagu qaaday Guriga Sarkaalka ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda ayaa waxaa la sheegay in halkaas ay ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa daqiiqado kadib gaaray guriga la weeraray, iyagoona howlgal ka sameeyay xaafado ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlaayan weerarka lagu qaaday Guriga Saraalka ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda ee ka dhacay Muqdisho.