Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Goordhow shaaciyay in dib loo dhigay Doorashada Madaxweynaha Galmudug ee qoshaheedu uu ka socda Magaalada Dhuusamareeb.
Qoraalka kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa waxaa lagu shaaaciyay in Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Galmudug dib loo dhigay muddo saddex maalmood ah, isla markaana ay dhici doonto 2-da Bisha February ee 2020.
Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenka ayaa waxaa lagu waday in Maalinta berri oo Khamiis ah ay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb, hayeeshee waxaa ku yimid dib u dhinac.
Sababaha ugu weyn ee keentay dib u dhaca Doorashada Galmudug ayaa waxaa ay tahay kadib markii Maanta Ahlusunna ay Madaxweynaha Galmudug u dooratay inuu noqdo Sheekh Maxamed Shaakir oo ahaa Madaxdii Xukuumadda Galmudug.