Weerar lagu qaaday Guddoomiye ku-xigeenka deegaan ku yaalla duleedka Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday Gaari uu la socday Guddoomiye ku-xigeenka deegaanka Ceelaha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka Ceelaha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay rasaas ku fureen rag hubeysan, kuwaasi oo baxsaday.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada weerarkaas lagu qaaday Guddoomiye ku-xigeenka Ceelaha Biyaha.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay inuu weerar dhaawac Culus uu kasoo gaaray guddoomiye ku-xigeenka oo magaciisa lagu soo gaabiyay Iimaan.

Dhinaca kale ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka Ceelaha Biyaha oo ay uga hadlayaan weerarkii lagu dhaawacay Guddoomiye ku-xigeenka deegaankaas.

Comments
Loading...