Jubbaland oo War xasaasi ah kasoo saartay xaalada Gobolka Gedo

Waxaa Maanta Shir Deg-deg ah degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo ku yeeshay labada Golle ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Shirkaan ayaa waxaa shir Guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, waxaana looga hadlay Xaaladda degmooyinka Beled-xaawo, Luuq ee Gobolka Gedo iyo arrimo kale.

Shirka ayaa markii uu dhamaaday kadib labada Golle ee Jubbaland waxaa ay soo saareen War-Murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Labada Golle ee Jubbaland ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay faragelin ka wado Gobolka Gedo, isla markaana degmooyinka Gobolka ay ka abaabushay jabhad la-dagaalanka nidaamka iyo kala dambeynta dowladnimada dalka.

Ugu dambeyntii Jubbaland ayaa dowlad Goboleedka dalka ka jira, hay’adaha Garsoorka dalka, Madasha Xisbiyada Qaran iyo Beesha Caalamka ugu baaqday inay si deg deg ah u soo farageliyan xaalada cakiran ee ka jirta Gobolka Gedo.

Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka ay soo saartay Jubbaland. 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media