Wararka aan ka heleyno degmada afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin duleedka Degmadaas.
Ragga ka tirsan ee weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay wateen Gaari Hoomeey ah,islamarkaana ay isku ekeysiiyeen Shacab taas oo markii dambe keentay in ay weeraraan fariisinka ciidamda dowladda ee duleedka Afgooye.
Dagaal kooban ayaa halkaasi ka dhacay kaas oo lagu soo waramayo in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac walow ilaa iyo hada aan la xaqiijin tirada dadka ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay intaba.
Xaalada degmada Afgooye ayaa Caawa kacsan in kastoo uusan jirin xiligaan wax dagaal ah balse waxaa la dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.
Maamulka degmada Afgooye iyo Saraakiisha ciidamada ee degmadaas ayaan la xiriirnay si aan wax uga weeydiino dagaalkaas waxa ayna sheegeen in ay haatan yihiin kuwo mashquul ah oo aan ka hadli karin