Weerar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar lagu qaaday dad farabadan oo ku sugnaa Goob maqaaxi ah oo ku taalla deegaan ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.
Rag hubeysan qori Ak-47 ayaa la sheegay in rasaas farabadan ay ku fureen Maqaaxi ku taalla Deegaanka Mareergur ee Gobolka Galgaduud, waxaana weerarkaas ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la ogyahay 2 qof ayaa ku geeriyooday weerarka rasaasta ahaa, halka 7 qof kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoona dadkaas ay ku jireen Haween iyo Caruur ku sugnaa Maqaayada, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Dhaawacyada ayaa loo soo qaaday isbitaalada Magaalada Dhuusamareeb, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo halkaas, waxaana si deg deg ah goobta uga baxsaday ragii weerarkaas ka dambeeyay.
Waarar la helayo ayaa sheegaya in ragga weerarka geystay ay ahaayeen Maleeshiyaad hubeysan, isla markaana waxaa la tilmaamay in falkaas uu la xiriiray aano qabiil oo mudaba ka taagneyd deegaanada u dhexeeya Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Ma’ahan markii ugu horreeysay oo dhacdo noocaan oo kale ah ay ka dhacdo Gobolka Galgaduud, waxaana falalkaas inta badan ka dhasha dagaal beeleedyo geysta Khasaarooyin kala duwan.