Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa in kulan saddex Geesood ah uu uga furmayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Kulan oo ah jmid hordhac u ah Shirka ay yeelanayan Madaxda ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii xal looga gaari lahaa Khilaafyada muddooyinkii dambe ka dhex jiray Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland.
Sidoo kale kulankaas ayaa waxaa looga arrisan doonaa sidii uu u furmi lahaa Shirka ay yeelanayan Madaxda iyo Ajendayaasha looga hadli doono, iyadoo dhawaan uu dib u dhac uu ku yimid shirkaas.
Axmed Madoobe ayaa shuruud ku xiray kulanka isaga, Saciid Deni iyo Farmaajo, isago dalbaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ciidamada ay geysay Gedo ka soo saarto, Jubbaland dib gacantooda loogu soo celiyo Maamulidda Gobolka Gedo.
Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo xalay kulan yeeshay ayaa Arrinta Gobolka Gedo ka gaaray is faham hordhac ah, iyagoo u saaray Guddi min hal xubnood oo ka shaqeynaya qaabka Farsamo ee xal looga gaari lahaa arrinta Gobolka Gedo.