Saddex qof ayaa ku dhintay tiro saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii lagu toorriyeeyey Baakin ku yaal magaalada Reading ee dalka Ingiriiska sida ay booliisku xaqiijiyeen.
Nin 25 sano jir oo lagu tuhunsan yahay falkan kana soo jeeda magaalada Reading ayaa loo qabtay weerarka.
Weerarku wuxuu ka dhacay Beeraha Forbury abaare 7-dii fiidnimo xiliga dalka Ingiriiska halkaas oo dhowr qof toorri lagu weeraray.
Ilo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa u sheegay BBC-da in ninkan loo qabtay kiiskani uu yahay yahay Liibiyaan.
Qof goobjooge ah ayaa ku warramay in uu arkay nin dhex maraya dadka oo ku sugnaa beerta isaga oo isku dayaya inuu mindi la dhaco.