Weerada ay Al-Shabaab ka fulinayaan Gudaha dalka Kenya oo si kordhaya

Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay macallin ku dileen, sidoo kalena macallin kale ay ku afduubteen weerar ay xalay ku qaadeen tuullada FAFI oo 90 km u jirta magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ragaan  ayaa sidoo kale weerarkaasi ku gubay dugsi halkaasi ku yaalla, sidoo kalena burburisay anteennooyin ay lahayd shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.

Warar dheeraad ah oo  ay deegaankaasi ka heshay Idaacadda Dalsan ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ciimada amniga Kenya oo gurmad ahaan loogu diray deegaanka Fafi ee weerarku xalay ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay kolonyadaasi ka gubeen baabuur, iyadoo ay dhaawacmeen 3 askari, halka askari kalena ay afduubatay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media