Waxqabadka Dowladda ee Isbuucii lasoo dhaafay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Dowladda Federaalka oo nabadeyn ka wada Guricel, Dowladda Federaalka oo diyaar u ah in Wadahadalada Somaliland la sii wado, Muwaadiniin loo celiyey dhulkoodii ay xaqa u lahaayeen, AMISOM oo gargaar bani’aadanimo gaarsiisay Cisbitaalka Banadir, Dar-dargelinta Dhaqangelinta Hiigsiga Cusub (New Deal), Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo dardargelisay dhameystirka dhismaha maamulkaas, Al-Shabaab oo loogu baaqay inay nabadda qaataan iyo Dowladda Federaalka oo soo dhoweysey wadahadalada Puntland iyo Jubbaland.

Dowladda Federaalka oo nabadeyn ka wada Guricel

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa 2dii Maarso 2015 gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Ujeedada socdaalka wafdiga ayaa ahaa sidii xal looga gaari lahaa dagaalladii dhowaan ku dhex maray magaalada Guriceel Ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna. Wasiirka Difaaca ayaa kulamo gooni-gooni ah la qaatay saraakiisha Ciidamadda dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Guriceel iyo kuwa Ahlusunna, wadahadal ka dib 5tii Maarso labada dhinac waxay gaareen heshiis KMG ah oo la isla gartay xabad joojin rasmi ah, in ciidamada la kala qaado, wadahadlka la sii wado iyo in shacabka barakacay lagu soo celiyo guryahooda. Bacdamaa Gobollada Dhexe ay ku guda jiraan sidii Maamul loo dhan yahay ay u sameysan lahaayeen, waxaa muhiim ah in bulshada ay nabada wada qaataan si ay aayahooda uga tashadaan iyagoo wadajira oo mideysan.

Dowladda Federaalka oo diyaar u ah in Wadahadalada Somaliland la sii wado

Dowladda Federaalka waxay magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen {Odowaa,} ayna xubno kayihiin Wasiirro, Xildhibaanno iyo xubno sare oo farsamo. Waxaa nasiib darra noqotay in wafdiga ka socda Somaliland uu ku guuldarreystay in uu soo fariisto madasha wadahadalka, isagaoo la soo baxay shuruurdo la xiriira dadka dhinaca Soomaaliya matali kara. Laba dhinac oo wadahadlaya midkoodna xaq uma laha in uu midka kale u yeeriyo cidda ay tahay in ay matasho. Wafdiga Dowladda Federaalka oo shirka la yimid niyad wanaag, soomaalinnimo, wuxuu caddeynayaa in Ergada Somaliland ay keligeed mas’uul katahay in uu qabsoomi waayay shirkani. Dowladda Federaalka iyada oo mar walba u taagan midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay wadahadal shuruudla’aan ah oo dan u ah Midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool la isu soo hor fariisto. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay uga mahad celineysaa Dowladda Turkiga martigelinta labada wafdi iyo dhiirri gelinta wada hadalka labada. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbuul ka yiri “Waxaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo u sheegayaa inaan laga quusan doonin wada-hadallada, waa sii socoon doonnaan”.

Muwaadiniin loo celiyey dhulkoodii ay xaqa u lahaayeen

Maamulka Gobolka Banadir ayaa 2dii Maarso 2015 muwaadiniin Soomaaliyeed dib ugu celiyay dhul si sharci darro ah looga deganaa muddo 25 sano ah. Dhulkan oo ka kooban 30 boos kuna yaala xaafadda Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, ayaa maamulka Gobolka Banadir waxuu dhulkaasi dib ugu celiyay dadkii iska lahaa. Qaar ka mid ah muwaadiniintii dib u helay hantidooda ma guurtada ah oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa uga mahadeliyay dowladda, gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir oo gacan ka geystay sidii ay dib u heli lahaayeen dhulkooda. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo muwaadiniintaasi si rasmi ah ugu wareejiyay dhulka ayaa sheegay in maamulka Gobolka uusan ogolaan doonin heysashada dhul aan sharci loo heysanin, isagoo xusay in ay tixgelinayaan ciddii dhul sharci u haysata oo xoog looga deganyahay in uga qaadayaan.

AMISOM oo gargaar bani’aadanimo gaarsiisay Cisbitaalka Banadir

Deeq Rashin ah oo ka kooban Bur, Bariis, Caano iyo cuntooyinka kale oo nafaqada laga helo ayaa 3dii Maarso ay Booliiska AMISOM gaarsiiyeen Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee maagaalada Muqdisho. Cisbitaalka Banadir oo ay ku jiraan carruur iyo dad waayeel ah ayaa aad ugu baahnaa raashinkaas gar-gaarka ah isla markaasna uga mahadceliyey AMSIOM. Dr Cabdirasaaq Xasan Cali Agaasimaha Cisbtaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa tilmaamay in baahi weyn ay u qabeen gar-gaarkan oo kale isla markaana Cisbtaalka ay ka jirto baahiyo kaladuwan oo dhinaca adeega ah.

Dar-dargelinta Dhaqangelinta Hiigsiga Cusub (New Deal)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa 3dii Maarso 2015 shir gudoomiyey kulan looga arinsanayey dar dargalinta barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal). Shirkaan ayaa waxaa isugu yimid safiirada qaar ka mid ah deeq bixiyayaasha, Wakiilo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Agaasimaha u qaabilsan dowladda arrimaha New Deal-ka iyo La taliyayaasha Ra’iisul Wasaaraha. Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga mudane Cabdiraxman Caynte ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu magaacabay guddi wasiiro, oo kala ah Wasaaradaha Qorshaynta, Amniga, Maaliyadda, Gaashaandhiga, Cadaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Gudaha. Wasaaradahaas ayaa ka shaqayn doona la socodka barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal), waxaana hogaanka isku duba ridka deeqaha dalka la keeno yeelanaysa Wasarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga. Guddigan ayaa dardargelin doona dhaqangelinta barnaamijka Hiigsiga Cusub. Kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa in Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada warbixin looga siiyo wixii ka qabsoomay barnaamijka higsiga cusub mdudadii uu socday, caqabadaha hortaagan, sida uu uga hirgalay gobolada dalka iyo sidii loo dar dar galin lahaa qaybaha uga aadan dhamaystirka aragtida 2016.

Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo dardargelisay dhameystirka dhismaha maamulkaas

Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo dardargelin ku sameeyey dhameystirka dhismaha maamulkaas isla markaasna ku guuleystay dib u heshiisiinta siyaasiyiinta deegaanka. Madaxweynaha Koofur Galbeed Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden ayaa 3dii Maarso qaab dib u heshiisiineed uu siyaasiyiinta deegaanka uga qeybgaliyey golaha wasiirada ee Koofur Galbeed. Mudane Madoobe Nuunow oo ahaa hoggaamiyaha siyaasiyiinta ka soo horjeeday dowlad goboleedka ka kooban seddexda goboleed ayaa si dib u heshiisiin iyo wada hadal ah uga qeybgalay golaha wasiirada ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo ka kooban gobollada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose. Tallaabadan ayaa ah mid horey loogu qaaday dadaalka dhaqangelinta nidaamka Federaalka dalka iyadoo Dowladda Federaalka ay rajeyneyso in dhameystirka maamulka Koofur Galbeed uu tusaale u noqdo nidaamyada kale ee dalka ka jira bacdamaa wadahadalka iyo dib u heshiisiinta ay marwalba keeneyso wadashaqeyn iyo midnimo bulshada dhexdeeda ah.

Al-Shabaab oo loogu baaqay inay nabadda qaataan

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo barnaamijka Jimcaha ee Radio Muqdisho kula hadlayey shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay fursad siiso dhalinyarada Al-Shabaab ee doonaya inay qoryaha iska dhigaan oo ay nabadda qaataan. Bacdamaa kooxda Al-Shabaab ay sii burbureyso dhammaan dhalinyarada la marin habaabiyey waxey heystaan fursad ay dalka dib u dhiskiisa uga qeybqaataan. Dowladda Federaalka ayaa in muddo ahba ku celcelineysey in xalka bulshada Soomaaliyeed dhexdooda uu yahay nabadeyn iyo in dib u heshiisiin waarta la dhex dhigo bulshada si dalka loo horumariyo. Soomaaliya Soomaali baa iska leh.
Dowladda Federaalka oo soo dhoweysey wadahadalada Puntland iyo Jubbaland

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysey wadahadalada

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ka socda Kismaayo. Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in dowlad goboleedyada ay noqdaan kuwo ay wadashaqeyn buuxda ka dhaxeyso si midnimada Soomaaliyeed loo xoojiyo. Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Kismaayo 3dii Maarso si ay wadahadal ula yeeshaan Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madobe) iyo maamulkiisa oo muhiim u ah horumarka dalka. Dowladda Federaalka waxey aaminsantahay in horumarka ummadda iyo midnimadoodaba ay muhiim u yihiin wadahadalada iyo dib u heshiisiinta bulshada dhexdeeda ah, si aan bulshada caalamka ah ula tartanno. Sidoo kale wadahadalada Dowlad Goboleedyada waxey muhiim u yihiin qorshaha Dowladda Federaalka ee dib u eegista Dastuurka, dhaqangelinta nidaamka Federaalka iyo dimoqraadiyeynta dalka oo dhan. Dib u eegista dastuurka arrimaha muhiimka ah ayaa waxaa ka mid ahaa sidii awood qeybsiga iyo wadaagida kheyraadka dalka loogu heli lahaa xal ay dhammaan shacabka Soomaaliyeed taladooda iyo aaraadooda uga dhiiban lahaayeen.

Wasaaradda Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha, [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor