Dowladda Soomaaliya oo Soo Bandhigtay Sarkaal Isku Soo Dhiibay

Cabdullahi Axmed Maxamed oo ka tirsanaa Xarakadda Al Shabab qabiirna ku ahaa Dhinaca Miinooyinka ayay Maanta soo bandhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdullahi ayaa isku soo dhiibay Hal maalin ka hor Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii sideed cisho ka hor uu ka soo tagay Magaaladda Gal-Hareeri Ee Koonfur Galbeed Gobolka Galguduud.

Waxa Ninkan uu ku soo tababartay Dalka Yemen isaga oo qabiir ku ah Dhinaca Miinooyinka.

Waxa uu ka dambeeyay Miinooyin lagu aasay Magaalooyinka Muqdisho,Baydhabo iyo Kismaayo.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor