• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay 13 June 2015

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 13, 2015
in Warar
Reading Time: 17 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Imaaraadka oo Booliska Soomaaliyeed Gaadiid ku wareejiyey, Masaajid cusub oo xariga laga jaray, Bandhig Dhaqameed lagu qabtay Degmada Hodon iyo Jowhar, Qaxootiga Yemen ka yimid oo gargaar la gaarsiiyey, Tartanka Heesaha Hirgalay oo Muqdisho lagu qabtay, Heshiis laga gaaray dagaaladii xaduuda Soomaaliya iyo Ethiopia, Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo xoojinaya xiriirkooda, Kanaal Biyood-yo Dayactir lagu sameeyey iyo Suuqa Kalluunka Dan-Kulmis oo xariga laga jaray, Suuq cusub oo loo helay xoolaha, Kaluunka iyo wax-soo-saarka Beeraha Soomaaliya, Ciidamada NISA oo fashiliyey dhagaro ay maleegayeen UGUS xabsigana dhigay xubno Alshabaab ah, Dawladda oo ku guulaysatay xalinta wixii khilaafaad ahaa ee shirka Cadaado iyo xulashada Xildhibaanada oo bilaabantay, Qaxootigii ku dhibaateysnaa dalka yemen oo aad ugu farxay Markabkii iyo sahaydii dawladdu u soo dirtay.

Imaaraadka oo Booliska Soomaaliyeed Gaadiid ku wareejiyey

Iyadoo Dowladda Soomaaliya ay ku howlantahay dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo saldhig u ah xoojinta Dowladnimada ayaa 10kii June 2015 ay Dowladda Iskutaga Imaaraadka Carabta ay gaadiid ciidan iyo qalab ku wareejisey ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Wasiirka Amniga Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa deeqdan gaadiidka kala wareegay Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya. Gaadiidkani oo ah kuwa tayadoodu aad u sareyso oo gaashaamaan ayaa waxaa loogu talo galay in lagu xoojiyo howsha baaxada leh oo ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ay u hayaan dadka iyo dalka. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa u mahadceliyay dowlada Imaaraadka, isagoo sheegay in agabkani ay ku horumarinayaan howlaha ay ugu qidmeynayaan Bulshada Soomaaliyeed. Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Othman oo isna ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in gaadiidkani ciidan ay ugu talo galeen in lagu horumariyo howlaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay ka wadaan dalka ee la xiriirta xaqiijinta ammaanka. Wasiirka Amniga Qaranka C/risaaq Cumar Maxamed oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaasi ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin kaalmada Dowladda imaaraadka carabta ay siineyso Soomaaliya.

Masaajid cusub oo xariga laga jaray

Masaajid cusub oo in mudo ah socday dhismihiisa ayaa laga hirgaliyay xaafadda Tarbuush ee Degmada Wadajir halkaasi oo ay ka jirtay baahi Masjid oo ay qabeen dadka deeganka. 9kii June 2015 ayaa furitaanka Masjidka waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Xildhibaan Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur, Guddoomiyaha Degmada Wadajir, qaar kamid ah guddoomiyayaasha Degmooyinka gobalka Banaadir, culuma’udiin, ganacsato, waxgarad iyo Dhallinyaro. Ciise Cibaar Cismaan oo ah Ganacsade Soomaaliyed isla markaana ah shaqsiga hantidiisa ku yaboohay hirgelinta masjidka la furay xubina ka ah mu’asasada Macalin Nuur ayaa sheegay in Masaajidkan uu dhismihiisa bilawday October 2014. Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdule Afrax ayaa tilmaamay in hirgelinta masjidkani ay ka faa’iideysan doonaan dadka ku nool deegaanka, asagoo u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay dhismaha masjidka cusub. Xilibaan Khaliif C/qaadir Macalin Nuur oo gaba gabada goobta ka hadlay ayaa furay Masjidka laga hirgaliyay xaafada Tarbuushka ee Degmada Wadajir.

Bandhig Dhaqameed lagu qabtay Degmooyinka Hodon iyo Jowhar

8dii June 2015 ayaa Degmada Hodon ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu qabtay barnaamijka Bandhiga Dhaqanka Soomaaliyeed, oo ay Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ay in muddo ahba waday qorshaha dhiirigelinta iyo wacyigelinta Dhaqanka Soomaaliyeed oo muhiim u ah horumarka bulshada Soomaaliyeed. Bandhigaan ayaa ahaa mid ka kooban heeso, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo tartamo kale, isagoo qeyb ka ahaa soo nooleynta farshaxanka, Dhaqanka iyo Hidaha Soomaaliyeed. Kooxaha Ifiye Band iyo Hodan Band ayaa soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed iyo heeso dhalinyarada loogu sheegayo in ay ka qayb galaan hormarka iyo in ay ilaaliyaan dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed. Gudoomiyaha Degmada Hodan Xaawa-Kiin Maxamuud Cali ayaa bogaadisay barnaamijkaan Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay wado ee bulshada lagu wacyi galinayo laguna tusayo nabada dalka ka jirta waxaana ay u hambalyeysay labada kooxood ciyaar wanaagga ay soo bandhigeen.

Qaxootiga Yemen ka yimid oo gargaar la gaarsiiyey

Gudiga Badbaadinta iyo Samata-bixinta Qaxootiga Soomaaliyed ayaa 8dii June 2015 mar kale deeq isugu jirta lacag iyo raashin u qeybiyay qaar ka mid ah dadka ka soo baxsaday Dagaalada Yeman ee soo gaaray caasimada muqdisho. Deeqdan ayaa waxaa ka faaideystay in ka badan 100 qof oo isugu jira caruur, haween iyo dad da’ah, kuwaas oo aad ugu baahnaa samafalka loo fidiyey. Sh Yuusuf Cali Ceynte ayaa sheegay in Guddiga ay diiwaan geliyaan dadka qaxootiga ah iyo tirade qaxootiga Soomaaliyeed ee ay gurmadka u fidiyeen.

Tartanka Heesaha Hirgalay oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Wasiirka ku-xigeenka ayaa ka qeyb galay 8dii June 2015 tartan heesaha hirgalay oo loo qabtay afar kooxood, kaasoo qeyb ka ah soo nooleynata Hidaha, Dhaqanka iyo Farshaxanka oo maalmahanba ka soconayey magaalada Muqdisho. Tartanka ayaa waxaa ku loolamayay afar kooxood oo kala ah Banaadir Band, Faynuus Band, Bariga Banaadir Band iyo Ifiye Band, kuwaaso ku tartamayey Heesaha, cayaaraha Dhaqanka iyo Habka masraxiyadda. Kooxda Bariga Banaadir Band ayaa kaalinta kowaad ka gashashay tatanka, iyadoo wadarta dhibca ay la yimaadeen noqotay 60 dhibcood, kaalinta Labaad Kooxda Faynuus Band 49, kaalinta Seddexaad Kooxda Banaadir Band 46 iyo Kooxda Ifiye Band oo gashay kaalinta Afraad oo uruursatay 44 dhibcood, sida ay ku dhawaaqeen guddiga garsoorka tartanka. Wasiir ku-xigeen Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in Soomaalida ay leedahay dhaqan ay ku xalin jirtay wixii khilaaf ah ee dhex mara. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ugu hambalyeeyey dhallinyarada ka soo qayb gashay tartanka iyo niyad wanaaaga ay muujiyeen intii uu socday tartanka. Wasiirka ayaa sheegay in Dhaqanku uu noqon karo fure keena nabad, xasilooni iyo wadajir. Soomaalidu dhaqan bay lahaan jirtay, isaga ayey ku xalin jirtay wixii soo kala dhexgala. Dhaqanka ayaa ah fure keeni kara inay Soomaalidu ka soo kabato burburkii gaaray oo ku midowdo isla markaasna ku walaalowdo.

Heshiis laga gaaray dagaaladii xaduuda Soomaaliya iyo Ethiopia

07-dii June ayaa waxaa heshiis laga gaaray dagaladii ka socday xadka gobolka Galgaduud uu lawadaago ismaamulka Dowlad Degaanka Ethiopia, kaddib kulamo gooni gooniya oo maalmihii u dambeeyay ay kulahayeen mas’uuliyiin uu hogaaminyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaanka Soomaaliya Mahad Salaad. Qodobada lagu heshiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa in xabad joojin rasmi ah la hirgeliyo, in deegaanadii dagaalku ka dhacay ay ka caagan yihiin xoogag hubaysan oo sharci daro in ay ka dhaq dhaqaaqaan. Ugu danbeyntii labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka iyo nabad kuwada noolaanshaha laba dal iyo in labada dhinac ay ula dagaalamaan si wada jir ah cadowgooda Al-Shabaab.

Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo xoojinaya xiriirkooda

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabiley Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan iyo wafdi uu horkacayo oo 7dii June 2015 booqasho ku yimid Muqdisho. Madaxweynaha ayaa dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyey doorka wax ku oolka ah ee ay ka qaadaneyso dib u dhiska Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in taageerada waqtigan ay hesho ka sokow, ay Soomaaliya u baahan tahay in lagala kaashado dhinacyada maalgashiga, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, hirgelinta xarumo ay dhalinyarada ka bartaan mihnadaha kala duwan iyo barnaamijyada shaqo abuurista. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal. Waxaa uu sheegay in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, isla markaana dowladdiisu dooneyso in waddamada Khaliijka ay door ka ballaaran midka hadda jira ay ka cayaaraan dib u dhiska Soomaaliya. Kulankaasi kadib ayaa waxaa qabsoomey shir kale oo laba geesood ah oo ay yeesheen labada dal. Kulankaasi ayaa labada dhinac ay isku dhaafsadeen arrimo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, dhinacyada ay iska kaashan karaan iyo arrimo kale. Waxaa kale oo halkaasi lagu kala saxiixdey heshiis adeegga duulimaadyada rayidka la xiriira oo labada dowladood ay wada galeen.

Kanaal Biyood-yo Dayactir lagu sameeyey

Mashruuc lagu dayactiraayay kanaal biyoodyo ayaa waxaa laga fuliyey degmooyin ka tirsan gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose. Mas’uuliyiin ka socotay hey’adda Samsam iyo Bangiga Islaamka ayaa 11kii June 2015 xarigga ka jaray Kannaallada waraabka ee laga dayactiray deegaanno ka tirsan degmooyinka Balcad iyo Afgooye. kaanaalka waraabka ee Janaraal daa’uud ayaa waxaa ka faa’iideysan doonaan dadka ku dhaqan deegannadda Gololley, Isgooyska, Mareerey, iyo Muka dheere kuwaasoo hoosyimaada degmada Balcad. Meelaha kale ee mashruucaan laga hirgeliyay waxaa ka mid ah deeganka Buri oo u dhexeeye Balcad iyo Jowhar kaasoo dib u dayctir lagu sameeyay iyadoo la saaray Matoor biyaha ka soo saara Wabiga si ay uga faa’iideystaan Beeraleyda. Dr. Cawad oo ah Mas’uulka u Hadley Bangiga horumarinta Islaamka ayaa dadka ka faa’ideysan doona kanaalkan la dayactirey kula dar daarmey iney ilaashadaan isla markaana mas’uliyad iska saaran sidii ay bur bur uga ilashan lahaayeen.

Suuqa Kalluunka Dan-Kulmis oo xariga laga jaray

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungab” ayaa xariga ka jaraay suuqa kalluunka Dan-kulmis ee degmada C/casiis. Gudoomiyaha degmada Cabdi-casiis ee gobalka Banaadir Cismaan Muxidiin Cali Cariif oo goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in mashruuca lagu dhisay kawaanka kalluunka Dankulmis ay qeyb ka tahay mash ruuca dalkaaga dhiso. Kawaankan ayaa shacabka Muqdisho u noqon doona goob xoojiya isla markaasna dhiirigeliya ka ganacsiga Kalluunka, tanoo dhalinyaro badan shaqo u abuuri doonto.

DHAMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

Xafiiska Wasiirka Tel. +252 61 2777736 Email: [email protected] – Muqdisho -Somalia

Heesaha

Heesaha4

UAE0

UAE

Weekly10

Weekly2

Heesaha1

Heesaha5

Hodan5

1px
Previous Post

Daawo: Sawiradda Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo Sheegay in Al Shabab ay dilan qof kast oo Soomaali

Next Post

Dhageyso:warka Duhurnimo ee Radio Dalsan ,13-06-2015

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post

Dhageyso:warka Duhurnimo ee Radio Dalsan ,13-06-2015

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa ku dhawaaqday inay xireen 82 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan...

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

by Liban
July 16, 2025
0

Addis Ababa – Ethiopia’s national intelligence agency has announced the arrest of 82 individuals suspected of being members of the Islamic State...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo...

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

by Liban
July 16, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia has officially called on Puntland authorities to immediately halt hostilities in the Dhahar district of the...

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm
English News

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting
English News

Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
  • Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
  • Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00