Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ku biiray Xisbiga Waddani ee Somaliland, kaas oo uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Warkan oo uu ka sheegay magaalada Hargeysa ayaa muujinaya in Beyle, oo ah shaqsi kasoo jeeda gobolka Awdal, uu ka mid noqday siyaasiyiinta xilal ka qabtay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib ugu laabtay Soomaaliland.
Dr. Beyle, oo hore uga mid ahaa xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sidoo kale caan ku ah hal-abuurkiisa dhinaca fanka, isagoo sameeyay heeso badan oo u ololeeya midnimada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan uu hadda ku biiray xisbiga Waddani waxa ay muujinaysaa isbeddel siyaasadeed oo weyn, maadaama xisbigaasi uu taageersan yahay in Soomaaliland ay ka go’do inteeda kale ee Soomaaliya.
Ku biiritaanka Beyle ee Xisbiga Waddani waxa ay soo jiidatay dareen badan, maadaama uu hore uga mid ahaa mas’uuliyiin heer federaal ah oo ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya. Tani waxay qeyb ka tahay isbeddelada siyaasadeed ee ka dhacaya Soomaaliland, gaar ahaan xilliyada doorashooyinka soo socda.