Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowladda Federaalka oo Amar Deg-deg ah soo saaray

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa maanta dhagax dhigey Xafiisyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ay ku yeelan doonto dekeda magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo ay wehlinayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo Wasiiru dowlaha ayaa dhagax dhigey xarumaha Wasaaradda ee Dekadda Muqdisho oo ka kooban sheybaarka Xoolaha, shahaado bixinta, xafiisyada Wasaaradda iyo goobaha xoolaha lagu nasiyo ee Dekadda.

Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha Dekedda Muqdisho ayuu Wasiir Eelay sheegay in ay ka go’an tahay in la dardargeliyo habsami u socodka shaqo ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS oo lafdhabar u ah hormarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa dhanka kalena amray dadka degan xarumaha wasaaradda in ay si deg deg ah uga guuraan, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor