Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Gaashindhigga Dalka Jabuuti ayaa soogaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana soodhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay dhigiisa dalka Jabuuti Xasan Maxamed Cumar oo Muqdisho soo gaaray.

Soodhaweynta waxaa qayb ka ahaa  masuuliyiin kale oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor