Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Safarka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Soomaaliya ee ku tagayo Magaalada Kismaayo,waxaana uu yahay Musharax u taagan qabasha xilka Madaxweynaha Jubbaland,hayeeshee weli ma uusan shaacin arrintaas.
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Khamiistii la soo dhaafay ku dhawaaqay Go’aan ah inay ka hakisay wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka ah iyo Jubbaland,kadib markii ay ansixiyeen Golaha Wasiirada maamulkaas.
Dhinaca kale Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Maanta lagu wadaa in uu gaaro Taliyaha Ciidanka AMISOM iyo Saraakiil kale,waxaana aad loo adkeeyay amniga Magaalada.