Isbitaalka Hamad ee ku yaalla Magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa waxaa ku jira dhaawacyada Mas’uuliyiin iyo dad shacab oo ku waxyeeloobay Qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta Maamulka Banaadir.
Dadka ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha Gobolka Baanadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,Guddoomiyaha Degmada Warta-nabadda Seynab Xabsey iyo xubno kale oo ka tirsan Xafiiska Duqa Muqdisho.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar C/risaaq Faarax Cali Taano oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay in ay soo hagaageyso xaaladda Caafimaad ee bukaannadii ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Safiirka ayaa waxaa uu sheegay in Khaqaatiirka Isbitaalka Hamad ay heegan buuxa ugu jiraan sidii ay daryeel Caafimaad ugu sameeyn lahaayeen Mas’uuliyiinta dhaawacyada kala duwan qaba,isla markaana waxaa xusay in dadkaas laga dareemayo isbedel Caafimaad oo wanaagsan.
Isaga oo sii hadlaayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar ayaa waxaa uu tilmaamay in xaaladda Guddoomiye Yariisow ay aad u fiican tahay ayna soo hagaageyso,wuxuuna uu Carabka u dhiftay in ay u yimideen Eheladiisa oo ay haatan la joogaan.
Hoos ka Dhageyso Codka Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar.