Wasiirka cusub ee difaaca dalka Japan Tomomi Inada, ayaa dhawaan waxaa lagu wadaa in ay booqato dalka Jabuuti, si ay dhiragalin ugu muujiso ciidamada is-difaacaya ee Self-Defense Forces ee dalka Jabuuti saldhigyo ciidan ku leh, kuwaasoo adkeynaya howgall-ka ladagaalanka burcad badeeda Soomaaliya.
Minister Tomomi Inada, ayaa waxaa ay hadalkaasi sheegatay shalay oo jimca aheed, waxaana ay sii raacisay in ay wadamo kale ay sii booqan doonto.
Iyadoo dhawaan ka hor hadleysa Golaha Wasiirada dalkaasi, ayeey sheegtay in ay doonayaa in ay adkeeyaan taageerada loo muujinayo ciidamada ladagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaaliya.
Wadiirka cusub ee difaaca dalka Japan, ayaa manta safar afar maalmood u bilaaban doona, waxaana safarkeeda ku wehlinaya saraakiil ciidamada difaaca dalkaasi kamid ah.
Raisal’wasaaraha dalka Japan Shinzo Abde, ayaa la rajeynayaa in uu sii wadi doono dhoola tuska ay dowladiisa soo waday sanado badan.
Tan iyo markii Raisal’wasaare Shinzo Abde, mar kale oo doortay xilka rai’sulwasaraha dalkaasi ayaana wali booqasho uusan ku tagin wadaada ay dagaalada ragaadiyeen.