Wafdigii u horeeyey oo ka socda Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ayaa la filayaa inay Jimcaha ama Sabtida ay booqasho ku tagaan Caasimadda Israel ee Tel Aviv, si ay uga qeyb galaan Munaasabdda Maalinta Qaranka ee Israel, waa sida hadalka loo dhigay.
Warar kale ayaa sheegayo inay Wafdiga maanta oo Khamiis ah u baqooli doonaan Israel, inkastoo ay Saraakiil ka tirsan Dowladda Sudan xaqiijiyeen inay Wafdiga bixi doonaan Jimcaha ama Sabtida.
Wasiirka Caddaalada ee Sudan, Nasrudiin C/baari ayaa qeyb ka ah Wafdigaasi oo ka kooban Milliteri, Ciiddanka Amniga, Mukhaabaraadka, Saraakiil Siyaasadeed iyo Shaqaale Dowladeed.
Afhayeenada Dowladda Sudan iyo Israel weli kama aysan hadlin Booqashadaasi.
Waana Socdaalkii u horeeyey ee ay Wafdi ka socda Sudan ay abidkooda u safraan Israel, wuxuuna Socdaalkan yimid, kadib, markii ay Sudan iyo Israel caadiyeeyeen Xiriirkooda oo asaas u ah Heshiiskii Abraham Accords ee uu ka soo shaqeeyey
Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, si ay Israel xiriir ula yeelato dalalka Carbeed.
Israel waxay Sudan ka taageertay sidii looga saari lahaa Liiska Maraykanka ee Dowldah lagu eedeeyo inay maalgeliyaan waxa ay Reer Galbeedka ugu yeeraan Argagixisadda.
Israel waxay kaloo bllan qaday inay maalgelinayso Teknoolajiyadda Beeraha ee Sudan.
Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalkaasi, Jeneral C/Fataax C/raxmaan Al-burhaani iyo RW Israel, Benjamiin Netanyahu waxay Kulan qarsoodi ah ku yeesheen caasimadda Uganda ee Kampala bishii February 4-dii ee sanadkii hore ee 2020-ka.