Wasiirka Arrimaha dibadda oo qaabilay Madaxa ururka Iskaashiga Islaamka u qaabilsan Somalia

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya  Abshir Omar Jama – Huruse ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa ergada ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) u qaabilsan Soomaaliya Amb Mohamed Bamba  M. Boba.

Wasiirka iyo wakiilka ayaa ka wada hadalnay sidii loo sii wadi lahaa loona ballaarin lahaa hawlaha samafal ee ururku ka wado dalka Soomaaliya loona gaarsiin lahaa gobollada dalka oo dhan.

Ururka waddamada Islaamka ayaa dalkeenna ka fuliya mashaariic samafal oo isugu jira qodista ceelal biyood, dhismaha iyo dayactirka xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho, wuxuu sidoo kale ururku fuliyaa hawlo gargaar oo degdeg ah.

Ururkan oo ay ku mideysan yihiin 56 dal oo Muslim ah ayaa lagu asaasay waddanka Morroco bishii Sebtembar 1969, Soomaaliyana waxaa ay ka mid tahay dalalkii asaasay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor