DFS oo War kasoo saartay Shirka Amniga dalka ee ka furmaya magaalada Muqdisho

Soomaaliya ayaa maanta martigelineysa shir ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan  Wasiiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee dalalka deriska, loona yaqaano Dalalka Safka Hore. Waddamada Soomaaliya ku wehliya kulanka maanta ayaa kala ah Kenya, Djibouti iyo Ethiopia.

Shirkan oo lagu gorfeynayo  dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin AL-Shabaab, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee hawlagalada ka socda Soomaaliya, ayaa gogol xaar u ah Shir Madaxda Dalalka Safka Hore ay beri ku yeelanayaan magaalada Muqdisho.

Waxaana Shirkan horkacaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada ayaa kulankooda maanta ku diyaarin doona ajendaha shir madaxeedka beri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo hawlgalada milateri ee ka dhanka ah AL-Shabaab iyo guud ahaan amniga gobolka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor