Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug, iyadoona Wasaaradda Arimaha Guduaha, Federaalka iyo Dibย uheshiisiinta Galmudug ayaa soo jeedisay laba hindise sharciyeed si golaha ay uga doodaan, una ansixiyaan.
Golaha Wasiirada oo ka dooday hindise sharciyeedyada lasoo jeediyay ayaa cod gacan taag aqlabiyad ah ku ansixiyay labo hindise sharciyeed ee hoos ku xusan, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hannaanka doorashooyinka Galmudug.
Labada hindise sharciyeed ee ay Golaha Wasiirada ansixiyeen ayaa kala ah:-
1 – Sharciga Guddiga Doorashooyinka ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
2 – Shirciga ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Sharciyadaan ayaa si rasmi ah wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta u gudbin doontaa Golaha Baarlamaanka Galmudug si loo sharciyeeyo kadibna uu u saxiixo madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye.