Wasiir Yuusuf Garaad oo Maanta hortegaya Xubnaha Aqalka Sare

Xubnaha Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay kulan ku yeelan doonaan Gudaha Magaalad Muqdisho.

Kulanka Maanta ayaa qorshuhu yahay in uu Xubnaha Aqalka Sare uu hortago Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Wasiir Yuusf ayaa markii uu hortago Xubnaha aqalka Sare waxa ay wax ka weydiin doonaan Waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradiisa iyo Shaqooyinka adag ee horyaalla.

Diyaar garoowgii u dambeeyay ayaa haatan laga dareemayaa Xarunta Aqalka Sare,iyada oo kulankaan ay Warbaahinta Goobjoog ka noqon doonaan.

Dhawaan ayaa Golaha Wasiirada waxaa hortegay Wasiirka Gaadiidka Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Xasan kaas oo ay wax ka weeydiiyeen Shaqada Wasaaradiisa iyo ammaanka Garoonka Diyaaradaha oo Warbaahinta qaarkood ay baahinayen in ay amnidaro ka jirto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media