Wasiir Sadiiq Warfaa oo shir muhiim ah uga qeyb galay dalka Uganda

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka qeyb-galay shirka 47aad ee Wasiirrada shaqada Afrika oo ay soo qabanqaabisay ARLAC,kaas oo lagu qabtay Magaalada Kambala ee dalka Uganda.

Waxaa uu Wasiirka Shirkaasi ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay kor u qaadday dadaallada Shaqada lagu abuurayo iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa wuxuu yiri “ Waa inaan mudnaanta koowaad siinnaa taakuleynta dadka faqriga la ildaran, anagoo garowsan ahmiyada ay u leedahay taagerada noocan ah nabadda, hodantinimada dhaqaale iyo karaamada aadanaha- Waxaan dhowaan dhaqan galiney Nidaamka daryeelka Bulshada haddana waxaan ku jirnaa wajigii ugu horreeyay ee hirgelintiisa.”

Dhinaca kalana Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada r Sadiiq ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu kulamo kala duwan la qaato qaar kamid ah Wasiirada dhigiisa ah ee ka qyeb-galay shirka 47aad ee Wasiirrada shaqada Afrika.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media