Kadib dagaal ciidamada maamulka Jubbaland iyo ciidamo ka amar qaatay C/naasir Seeraar ku dhexmaray gudaha magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland ayaa waxaa masuuliyiintaas loo diray digniin culus.
Maamulka Jubbaland oo war kasoo saaray shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa sheegtay in aan loo dulqaadan doonin dhibato ay sheegeen in ragaan ay ku hayaan iyaga oo u danaynaya dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta mamaulka Jubbaland ayaa sheegay in maamulku muddo 6-bil ah uu u adkeysanayay raggaan uu uu sheegay in ay u adeegaan dowladda islamarkaana ay fuliyaan rabitaankeeda.
Dhinaca kalana wasiirka Warfaafinta ee Jubbaland Cabdi Xuseen Maxamed ayaa tilmaamay in laga soo gudbay xiligii dulqaadka iyo isku turidda masuuliyadda wixii halkaa ka dhacana ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
C/rashiir Xidig iyo C/naasir Seeraar ayaa labaduba waxa ay ka mid ahaayeen mucaaradka madaxweynaha Jubbaland iyaga oo diiday doorashadii uu kusoo baxay Axmed Madoobe,iyaga oo sheegtay in iyaguna ay yihiin madaxweynayaasha mamaulka Jubbaland,iyada oo xusid mudanytahay in dowladdu ay ka hortimid doorashada Kismaayo ka dhacday.