Wasiir Sabriye oo ka hadlay habraaca Doorashooyinka Dowlad goboleedyada dalka

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha fedraalka iyo dib u heshiisiinta Dowlada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa faah faahin dheeriya ka bixiyay Habraaca loo marayo doorashooyinka Dowlad goboleedyada dalka ee Wasaaradu dhawaan shaacisay .

Wasiir Sebriye ayaa sheegay in qorshahani yahay midkii horaba loogu shaqeyn jiray balse hada kaliya uun ay shacabka u soo bandhigeen.

Wasiirka oo arintaa ka hadlayay ayaa yiri “Wax hadda cusub oo aan soo saarnay ma jiraan, waxaan go-aansanay uun in aan soo dhigno shacabka hortiisa system-kii (nidaamkii) awalba lagu dhaqmaayay, ma jiro runtii hal qodobna allaha ka dhigee 27-ka qodob ee aan soo bandhignay qodob ku cusub”.

Wasiirka arimaha arimaha gudaha oo la weydiiyay waxa ay ka yeelayaan ka wasaarad ahaan Maamuladda cabashada durba ka muujiyay arintaan ayaa ku jawaabay, “Wasaarada arimaha gudaha guud ahaan dalkaan Dimuquraadiyeytiisa, iyo Fedraaleyntiisa masuuliyadooda guud iyadaa iska leh, Wasaaradu kaalinbeey leedahay Dowlad goboleedkuna kaalinbeey leedahay mana ku fara galindoono kaalintooda, Waxaana diyaar u nahay in aan kala fariisano cid kasta oo cabasha ka qabta Habraaca aan soo saarnay ee loo marayo Doorashooyinka Dowlad goboleedyada”.

Hadalka Wasiirka arimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sebriya ayaa daba socda Warqad shalay ka soo baxday Xafiiskiisa oo looga hadlay Habraaca Doorashooyinka Dowlad goboleedyada Dalka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media