Wasiir Maareeye Oo Ka Jawaabay Bayaankii Ay Hey’adda Culimadda Soomaaliya Kasoo Saareen Arimaha Jandarka

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka jawaab celiyay bayaan ay Hay’ada Culimada Soomaaliyeed  ka soo saartay siyaasada Jandarka ee Wasaarada Haweenka soo diyaarisay.

Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in si qalad ah loo turjumay go’aankii dhowaan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay meel mariyeen, Kaas oo qeexaya siyaasadda Qaranka ee Jandarka,

Wasiir Maareeye, ayaa yiri “si qalad ah ayaa loo Fasirtay qodobada ku jira siyaasadda Qaranka ee Jandarka, Golaha Wasiirada qodoban oo kale marka ay meel marinayaan waa ay ka fiirsadaan”.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta ayaa waxaa uu imaanayaa iyada oo shalay Hey’ada Culimada Soomaaliya ay ka soo horjeesteen ay  dhawaan meel mariyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor