Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa iskaashiga horumarinta Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya Marius Rauh .
Wasiir Warfaa iyo Madaxa Iskaashiga horumarinta Jarmalka ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka taariikhda dheer ee Soomaaliya iyo Jarmalka ee iskaashiga dhinacyada farsamada, waxbarashada xirfadaha iyo tababarada.
“Dowladda Jarmalka, waxay ka taageeraysa wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya , sidii lagu horumarin lahaa xirfadaha iyo tababarrada, iyadoo kooxdii u horreysay oo ka tirsan Waaxda Xirfadaha iyo Tababbarada dhowaan loo qaadi doono dalka dibaddiisa” ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay in dhowaan dib loo howlgallin doono dugsiyada farsamada gacanta ee ku yaal Magaalada Muqdisho iyo Dowlad-gobolleedyada dalka.