In kastoo xilligaan wax dagaal ah uusan ka socon deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa hadana waxa weli halkaasi laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan labada dhinac.
Dagaalkii Maanta oo kala dhacay saakay Waaberigii iyo duhurimadii ayaa waxaa lasoo sheegayaa in uu sababay dhimashada dhinacyadii dagaalamay iyo dhaawaca kuwo kale.
Masuuliyiin u hadlay labada maamul ee Puntland iyo Soomaaliland ayaa mid walba waxa uu sheegtay in dagaalkaas ay guul ka gaareyn balse weli mashaacin khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee uu dagaalkaas sababay.
Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Jiida hore ee goobihii lagu dagaalamay gaaray Wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka golayaasha ahna afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel.
Xubnahaas ayaa waxa ay la hadleen Ciidamada Puntland ee dagaalka qeybta ka ahaa,in kastoo Saxaafada aysan ka qeyb galin.