Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku dhacay fashilkii ugu weynaa abid, kaddib markii uu sameeyay magacaabid sharci daro ah oo waqtiga taariikhdeeda dib loo dhigay (Back Date) iyadoo uu magacaabay in ka badan 27 diblomaasi oo loo qoray qaab aan waafaqsaneyn sharciga shaqaaleynta dowladda.
Waxaa la soo bandhigga ilaa 21 warqadood oo uu ku magacaabay shaqsiyaad aan ka mid aheyn shaqaalaha wasaaradda, kana tirsaneyn shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka soomaaliya.
Arrinta ayaa fajac ku noqotay Madaxweyaha ka dib markii lala wadaagay cadeymaha documents ka uu ku saxiixan yahay Wasiirka.
Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Danjire Cawad oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay gaartay fariin looga diray Villa Somalia oo ku aadaneyd inuu si deg deg ah ugu soo laabto Muqdisho.