Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay dagaal saaka ka dhacay degaanka Bacaadweyn ee Gobalka Mudug, waxaana dagaalkaas ka dhashay khaasare dhimasho iyo dhaawac leh.
Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in shacabkaasi ay mudan yihiin ku dayasho, waxaana dowladda iyo maamul Goboleedyada dalka uu ugu baaqay in ay u gurmadaan dadka degaanka Shabeelow oo saaka dagaal la galay Al-shabaab.
“Ilaaheey naxariistiisa ha siiyo shuhaddadii maanta ku dhintay dagaalkii iska caabinta ahaa ee ay shacabka Shabeeloow ee deegaanka Bacaadwayn la galeen kooxda Al- Shabaab. Reer Shabeelow waxay tusaale u yihiin sida shacabka Soomaaliyeed ugu heelan yahay la dagaalanka Al-shabaab, haddii ay helaan hoggaan hormuud u noqda hawshaas, Waa in Dawlada Goboleeka Galmudug iyo Dawlada Federaalka ah ay gurmad degdeg ah u fidiyaan dadka deegaanka” ayuu yiri hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir CC Shakuur Warsame.
Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay Khaasare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay, waxaana la sheegay in Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug ayaa markii dambe dagaalka ku biireen si ay garab u siiyaan dadka deegaanka.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku sugan Galgaduud oo ay uga hadlayaan dagaalka Culus ee ka dhacay Shabeelow, halka Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ay ku sheegteen inay la wareegeen deegaankaas.