Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Caadle ayaa Magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Caadle ayaa waxaa Guddoomiye ku-xigeenka Shabeellaha Dhexe loogu magacaabay inuu noqdo Maxamuud Cilmi Raagel, kaasi oo bedelaya Guddoomiye ku-xigeenkii ee amniga Muxumad Sugaal Cismaan oo qarax lagu dilay.
Dhammaan hay’addaha amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Mas’uulka Cusub ee la magacaabay si uu u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.