Wasiir Beyle oo la kulmay Madaxweynaha Bangiga Afrika

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa Magaalada Malabo ee Dalka Equatorial Guinea  waxaa uu kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Akinwumi Adesina.

Wasiir Beyle ayaa Madaxweynaha Bankiga waxaa uu warbixin kooban ka siiyay horumarka Soomaaliya ee dib-u- habeynta,isla markaana waxaa uu Wasiirka ku boorriyay inuu sii wado doorka muhiimka ah ee ku aadan hannaanka Qaran ee loogu jiro deyn cafiska Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanahay in madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Akinwumi Adesina, uu aqoonsaday dadaalka dib-u-habeeynta ee Xukuumadda Soomaaliya, isagoo sidoo kale xaqiijiyay in Bangiga Horumarinta Afrika uu sii wadi doono taageeradiisa joogtada ah”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa Magaalada Malabo ee Dalka Equatorial Guinea  uga qeyb galay Shirka Bangiga horumarinta Afrika,kaasi oo la soo gabagabeeyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media